Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man Utd, Barcelona iyo Bayern oo ku biiray xiisaha Nicolas Pepe

Man Utd, Barcelona iyo Bayern oo ku biiray xiisaha Nicolas Pepe

0

Himilo FM –Nicolas Pepe oo katirsan Lille ayaa ah mid ka mid ah xiddigaha mustaqbalka ku leh kubadda cagta Yurub waxaana xiiseynaya kooxaha ugu waaweyn kubadda cagta. Arsenal iyo Chelsea ayaa lala xiriirinayay bishii Janaayo laakiin haatan kooxo badan ayaa ku biiray doonistiisa.

TeleFoot ayaa soo warisay in illaa iyo haatan kooxo badan oo Yurub ah ay doonayaan  inay lasoo saxiixdaan xagaagan. Wargeyska Faransiiska ayaa sheegaya in Bayern Munich, Barcelona, Manchester United iyo PSG ay sidoo kale kula biireen Arsenal iyo Chelsea doonista xiddiga.

Wargeyska ayaa sheegay in Lille ay raadineyso € 80 Milyan iyo wax ka sarreeya oo laga doonayo koox kasta oo xiiseneysa inay la saxiixato.

Pepe ayaa mucjiso ciyaareed ka sameeyay Ligue 1 xilli ciyaareedkan. Xiddiga heerka caalami ee Ivory Coast ayaa dhaliyay 16 gool, waxaana uu caawiyay 8 gool 16 kulan oo horyaalka Ligue 1 ah.

Xiddiga garabka ka ciyaara waxay Chelsea u aragtaa in uu beddel u noqon karo Willian iyo Pedro halka Bayern Munich ay dooneyso in uu beddelo Arjen Robben.

Manchester United ayaa had iyo jeer suuqa ugu jirta xiddig garab ah, halka Arsenal ay baadi goob ugu jirto  Theo Walcott oo ku biiray Everton.  Bacelona iyo PSG ayaa isha ku haya inay xoojiyaan garbahooda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version