Home Cayaaro Man Utd oo magacaabeysa agaasime cusub

Man Utd oo magacaabeysa agaasime cusub

0

Himilo – Naadiga Premier League ka dhisan ee Manchester United ayaa daneeneysa in ay agaasimaha kubadda cagta ugu magacawdo Luis Campos, sida ay werisay Mirror.

Tani ma ahan mid qarsoodi ah in Manchester United xiiseeneyso ninkaan kaasi oo ay indhaha ku hayeen muddooyinkii danbe.

Luis Campos ayaa lagu tiriyaa mid kamid ah dadka ugu wanaagsan ganacsiga isaga oo ku raaxeystay wakhtiyo uu ku qaatay Real Madrid iyo AS Monaco. Wuxuuna hadda kamid yahay shaqaalaha kooxda reer France ee Lille.

Portuqiiskan ayaa waayo cajiib ah kusoo qaatay kooxda  AS Monaco, halkaasi oo uu keenay ciyaartoy badan sida Bernardo Silva, Anthony Martial, Fabinho, Thomas Lemar, Tiemoue Bakayoko, iyo laacibiin badan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version