Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man Utd oo seddex xiddig oo u dhashay Portugal ku dalbatay 250...

Man Utd oo seddex xiddig oo u dhashay Portugal ku dalbatay 250 Milyan

0

Himilo FM –Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay soo iibsashada xiddigaha  Ruben Dias, Bruno Fernandes iyo Joao Felix oo dhammaan u dhashay dalka Portugal.

United ayaan wali xaqiijin tababaraheeda xilli ciyaareedka soo socda laakiin taasi kama joojineysa kooxda Premier League ka dhisan inay u dhaqaaqaan marxaladda suuqa.

Sida laga soo xigtay The Mirror, United ayaa isku diyaarineysa inay 250 Milyan oo ginni ku bixiso seddexda xiddig ee reer Portugal.

Felix iyo Fernandes ayaa labadoodaba qandaraasyo kala duwan kula jira kooxaha Benfica iyo Sporting Lisbon, halka daafaca dhexe Dias lagu qiimeeyo 50 milyan oo ginni kaasi oo u ciyaara Benfica.

Mid kasta oo ka mid ah ciyaartoyda ayaa xiiseynaya kooxo kale oo Yurub ah laakiin United ayaa dooneysa inay ku garaacdo saxiixyadooda kooxda ay xafiiltamaan ee Man City.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version