Home Cayaaro Manchester City, Manchester United iyo Chelsea oo ku dagaalamaya saxiixa Declan Rice

Manchester City, Manchester United iyo Chelsea oo ku dagaalamaya saxiixa Declan Rice

0

Himilo – Manchester City, Manchester United iyo Chelsea ayaa dhamaantood lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayaan inay u dhaqaaqaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham United Declan Rice.

23-sano jirkaan ayaa dhaliyay seddex gool waxaana loo diiwangeliyay afar caawin 28 kulan oo uu u saftay Hammers intii lagu jiray ololihii 2021-22, iyadoo uu kooxda David Moyes ka dhex muujiyay bandhig sare.

Rice qandaraas uu ku joogo  garoonka London wuxuu ku eg yahay June 2024, balse waxaa jiray hadal heyn ku saabsan mustaqbalkiisa bilihii lasoo dhaafay, iyadoo kooxo badan la sheegay inay doonayaan.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Man City, Man United iyo Chelsea ayaa dhamaantood qorsheynaya inay u dhaqaaqaan xiddiga heerka caalami ee dalka England inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Red Devils ayaa la rumeysan yahay inay u aqoonsatay Rice inuu yahay bartilmaameedkooda ugu horreeya ee khadka dhexe, halka Chelsea ay muddo dheer lala xiriirinayay ciyaaryahankii ay ka soo fasaxeen akadeemigooda isagoo 14 jir ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version