Home Cayaaro Manchester United iyo Arsenal oo ku tartamaya Samuel Umtiti

Manchester United iyo Arsenal oo ku tartamaya Samuel Umtiti

0

Himilo – Sida ay ku warameyso Sport, naadiyada Manchester United and Arsenal ayaa ah labada koox ee hoggaaminaya tartanka loogu jiro saxiixa Barcelona ee Samuel Umtiti.

Manchester United ayaa u baahan daafac dhexe oo leh tayo sare halka Arsenal raadineyso in ay dhisto daafacadeeda isla markaana Gabriel Magalhaes la mataaneyso xiddigo muhiim ah.

Samuel Umtiti waxa uu la hadlay tababaraha cusub ee Barcelona ee  Ronald Koeman waxaana loo sheegay in uusan qeyb ka aheyn qorshihiisa kooxda. Barcelona waxa ay Umtiti lasoo saxiixatay 2016 iyaga oo kala soo wareegay Lyon qiimo dhan €25 milyan oo Yuuro, waxayna hadda raadinayaan in ay helaan wax u dhigma lacagihii ay kal hore kula soo wareegeen.

Umtiti waxa uu raaci doonaa waddadii ay horey u fureen laacibiinta Ivan Rakitic, Luis Suarez, Arturo Vidal, Nelson Semedo, iyo  Arthur, kuwaasi oo kooxda ka tegay dhawaan isla markaana aan qeyb ka noqon shaxda tababare Ronald Koeman ee xagaagan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version