Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Manchester United, Liverpool iyo Arsenal oo isku heysta saxiixa da’yar Soomaali ah

Manchester United, Liverpool iyo Arsenal oo isku heysta saxiixa da’yar Soomaali ah

0
08/08/14 ABDIRAHMAN BILE FROM SOMALIA IS NOW ENJOYING LIFE IN SCOTLAND AND PLAYING FOR CELTIC- WITH ROBERT McHARG AND ANDY McLAREN

16 jirka weerarka uga cayaara kooxda Celtic ee Scotland ka dhisan Cabdiraxmaan Abuukar ayaa bartimaalmeed u noqday kooxda kubadda cagta Manchester United oo u aragta da’yarkaan Soomaaliyeed mid ay ku xalin karto dhibaatada weerarka xagaagan ka heysatay.

Wakiilka laacibkaan ayaa toddobaadkan kulan hordhac ah la yeeshay kooxda Red Devils oo han uu kaga jiro inay saxiixa laacibkan soo gebagabeyso marka suuqa kala iibsigu furmo.

Xogo dheeri ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda Manchester United ay loolan ku aadan saxiixa Cabdiraxmaan Bile kala kulmi doonto kooxaha Liverpool iyo Arsenal oo laacibku uu sheegtay inuu dalabyo ka helay.

Cabdiraxmaan ayaa waqti cajiib ah la qaadanaya kooxda Celtic wuxuuna kamid yahay cayaartoyda Soomaaliyeed ee mustaqbalka kubaddeed oo bidhaamaya leh.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version