Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Manchester United oo 50 milyan oo ginni ku dooneysa laacib u ciyaara...

Manchester United oo 50 milyan oo ginni ku dooneysa laacib u ciyaara Juventus

0

Muqdisho – Kooxda Manchester United ayaa si xooggan lala xiriirinayaa daafaca dambeedka midig ee reer Brazil iyo Juventus Alex Sandro,kaasi oo kamid ah laacibiinta ugu muhiimsan ee sida wanaagsan kaga ciyaara booska dambeedka midig.

Laacibka reer Brazil Sandro ayaa si xoogan loola xiriirinayay Chelsea labadii sano ee lasoo dhaafay, ka hor inta aysan u dhaqaaqin kooxda Blues soo qaadan Marcos Alonso .waxaana hadda lagu soo waramayaa in kooxda uu hogaamiyo tababare Jose Mourinho ee Red Devils ay laacibkaan ku dooneyso 50 milyan oo ginni.

Hogaamiyaha Portugal,Mourinho ayaan weli ku qanacsaneyn Luke Shaw iyo saxiixa cusub ee Diego Dalot kaasi oo la dhibtoonaya dhaawacyo, wargeyska Football Freak ayaa ku waramaya in Alex Sandro uu yahay ninka uu doonayo José.

Manchester United ayaa habeenimadii xalay waxa ay qasaaro 3-1 ah kala kulmeen kooxda ay magaalada Manchester ku xafiiltamaan ee City.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version