Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Manchester United oo albaabka bixitaanka u furaysa Cristiano Ronaldo

Manchester United oo albaabka bixitaanka u furaysa Cristiano Ronaldo

0

Himilo – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay u ogolaato Cristiano Ronaldo inuu ka tago kooxda xagaagan haddii uu go’aansado inuu ka dhaqaaqo Old Trafford.

37 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigayay Red Devils intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 15 gool 27 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, marka lagu daro seddex gool caawineed.

Ronaldo waxa uu Old Trafford ku joogaa heshiis dhacaya June 2023, iyadoo uu hayston sanad kale dookh u ah, laakiin waxa jiray warar sheegaya inuu xagaagan ka tagi karo haddii ay kooxdu ku guuldareysato inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Man United ayaa u dagaalamaysa inay ku dhameysato afarta sare ee kala sarreynta horyaalka Premier League, halka ay toddobaadka soo socda aadi doonto Atletico Madrid lugta hore ee wareegga 16ka Champions League.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version