Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Manchester United oo hoggaanka u heysa soo qaadashada Boubakary Soumare

Manchester United oo hoggaanka u heysa soo qaadashada Boubakary Soumare

0

Himilo – Manchester United ayaa la werinayaa in ay xiiseynayso la saxiixashada khadka dhexe  Lille ee Boubakary Soumare.

21-sano jirkaan ayaa aad loola xiririnayay in uu ka dhaqaaqayo kooxda reer French, 12-kii bilood ee lasoo dhaafay iyada oo uu xiiso kaga imaanayo kooxaha United, Liverpool iyo AC Milan kuwaasi oo la rumeysan yahay in ay daneynayaan.

Sida uu werinayo saxafiga Italy ee  Vito Angele, kooxda ku guuleysatay 20-ka jeer horyaalka English ayaa hoggaanka u heysa tartanka loogu jiro saxiixiisa iyaga oo doonaya in ay soo qaataan dhammaadka xagaagan.

Soumare heshiiska uu ku joogo Stade Pierre-Mauroy waxa uu ku egyahay June 2022.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version