Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Manchester United oo wadahadalo kula jirta Eric Bailly

Manchester United oo wadahadalo kula jirta Eric Bailly

0

Himilo – Manchester United ayaa wadahadal qandaraas kordhin ah kula jirto daafaca dhexe Eric Bailly.

26 jirkaan ayaa mar kale la dhibtoonaya dhibaatooyin badan oo dhaawacyo ah taniyo billowgii ololaha 2020-21, kaliya 13 kulan ayuu saftay tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 7 kulan oo Premier League ah.

Bailly ayaa ciyaaray afar kulan oo isku xigta oo horyaalka ah intii u dhaxeysay 26-kii Disember ilaa 12-kii bishii Janaayo laakiin wuxuu kaliya hal kulan kasoo muuqday safka hore ee England tan iyo markaas, iyadoo Victor Lindelof inta badan laga doorbiday ka garab ciyaarsiinta Harry Maguire.

Man United ayaa la filayaa inay u dhaqaaqdo daafac kale inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, laakiin sida laga soo xigtay The Sun, kooxda ayaa wadahadal kula jirta ciyaaryahanka reer Ivory Coast heshiis cusub oo waqti dheer ah.

Qandaraaska haatan ee Bailly ee Old Trafford ayaa dhacaya bartamaha 2022, waxaana warbixinta lagu sheegay in da ‘yarkii hore ee Espanyol la iibin karo haddii uusan saxiixin heshiis cusub ka hor xagaaga.

Daafaca ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ee kulankii Man United ay bar-baraha 0/0 la gashay Real Sociedad lugtii 2-aad ee wareega 32- tartanka Europe League habeenimadii Khamiista.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version