Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Maqaayad ku taalla Koonfur Afrika oo aqoonsi ka heshay Guinness World records

Maqaayad ku taalla Koonfur Afrika oo aqoonsi ka heshay Guinness World records

0

Himilo – Hay’adda diiwaan gelisa rikoorada caalamka ee Guinness World records ayaa aqoonsi caalami ah siisay baar ku yaalla dalka Koonfur Afrika oo sameeyay rikoor cusub.

Baarkan ayaa ku guuleystay in uu macaamiishiisa u diyaariyo ku dhawaad 207 nuuc oo cabitaan caano ah sida laga soo xigtay hay’adda Guinness World records.

Waxa uu ku yaalla magaalada Cape Town, waxaana uu soo jiitay macaamiil fara badan oo si weyn u xiiseeya cabitaanka gaar ahaan nuucyada kala geddisan ee caanaha.

“Markii aan billowgii furnay baarka, waxaan heynay keliya 40 nuuc oo cabitaanka caanaha ah, waayo waxay ahaayeen kuwa la xiiseeyo, waxay noqotay 100, 150, 200, hadda waa 207, waxay intaasi ku dhacday muddo 5 sanno gudaheed ah,” sidaasi ayuu yiri Ian Halfon oo qeyb ka leh baarka.

Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan iibinay cabitaan badan, waxaan la imaanay cabitaan la jeclaan karo.”

Marcell Brown oo markii ugu horreysay booqday baarka ayaa ku sheegay nuuca cabitaanka Gibson’s Gourmet Burgers and Ribs mid layaab leh

“Way ka badneyd sida aan filayay, waxaan doonayaa in aan mar kale ku soo laabto halkan, waayo waa cajiib.”

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version