Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Marcelo oo baxaya dhammaadka xilli ciyaaredkan!

Marcelo oo baxaya dhammaadka xilli ciyaaredkan!

0

Himilo FM –Marcelo ayaa Real Madrid weydiistay in dhammaadka xilli ciyaareedkan uu ka tagayo isagoo doonaya in uu bilaabo tartan cusub  si uu ugu biiro kooxda  Juventus  sida ay werinayaan wabixinada maanta.

Daafaca dheeriga ah ayaa laga saaray safka koowaad ee tababare Santiago Solari isagoo ah dooqa labaad ee kooxda waxa uu ka danbeeyaa Sergio Reguilon labadii billood ee lasoo dhaafay.

Wargeysyada ayaa werinayay isbuucyadii la soo dhaafay in Marcelo laga yaabo in uu ka tago Bernabeu kaddib markii uu 12 sanno ku qaatay kooxda iyadoo Juventus  diyaar u tahay inay u dhaqaaqdo laacibkan.

Telemadrid ayaa sheegeysa in ciyaaryahanka reer Brazil ee lagu qiimeeyo £ 60 uu haatan ku wargeliyay in uu doonayo inuu ka hayaamo kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Marcelo ayaa la sheegay in uu jeclaan lahaa in uu u dhaqaaqo kooxda Juventus, waxaana uu doonayaa in uu halkaasi kula midoobo saaxibkiisii hore ee Cristiano Ronaldo laakiin Bianconeri ayaa marka hore dooneysa inay qiimeyso xaaladda Alex Sandro kaasi oo ay doonayaan kooxo badan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version