Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Haweenka Mareykanka: Hooyo dib ula midowday wiilkeeda oo ka maqnaa 55 sanno

Mareykanka: Hooyo dib ula midowday wiilkeeda oo ka maqnaa 55 sanno

0

Himilo – Marna kama aysan quusan hooyo reer Mareykan ah la kulanka cunuggeeda oo laga afduubtay muddo immika laga joogo 55 sanno.

Sannado dheer kaddib, Anna Marie Barnett ayaa dib u heshay cunuggeeda Jerry oo laga qafaashay isaga oo 5 jir ah sida ay qortay warbaahinta Mareykanka.

Kanaalka Double LKY ayaa tilmaamay in kulanka taariikhiga ah oo ay hareysay ilmada in uu ka dhacay deegaanka Radcliffe ee gobalka Kentucky.

Jerry oo 5 jir ah ayaa la waayay xilli Anna Marie ahayd hooyo da’yar ah. Sannado kaddib, Jerry ayaa laga helay goob lagu hayo carruurta oo ay uga tagtay haweenaydii qafaalatay sida uu baahiyay telefishinka Double LKY.

Damon Barker oo uu dhalay Jerry ayaa la tilmaamay in uu baaritaanka hiddo-sidayaasha ku oggaaday in uu leeyahay wiil ilmo-adeer la ah iyo ayeeyo ku nool gobalka Kentucky.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version