Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Mareykanka: Kalluunka ugu da’da weyn caalamka oo la helay

Mareykanka: Kalluunka ugu da’da weyn caalamka oo la helay

0

Himilo – Baarayaal Mareykan ah ayaa ka helay xeebta gobalka Florida kalluunka Hammour oo culeyskiisa lagu sheegay 150 kg sida ay qortay wakaalada wararka United Press International.

Wakaalada ayaa xustay in baarayaasha oo katirsan machadka baaritaanada kalluunka iyo noolayaasha dhulka ee Florida inay helaan kalluunka 29-kii bishii December.

Nuuca kalluunkan ayaa la rumeysan yahay in uu yahay kan ugu da’da weyn caalamka iyadoo taariikhdiisa loo celiyo 50 sanno kahor.

Sida machadka uu caddeeyay, waa kalluunka ugu cimriga dheer caalamka marka la eego nuucyada kalluunka ee horay loo ugaarsaday.

Sawirka kalluunka ayaa lagu faafiyay bogga machadka ee Instagram -ka. Baarayaasha ayaa ku sheegay dhacdadan mid muhiim ah oo mar la arag ah.

.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version