Home Habka-Nolosha Mark Clattenburg oo loo magacaabay dhexdhexaadiyaha Manchester derby

Mark Clattenburg oo loo magacaabay dhexdhexaadiyaha Manchester derby

0

Taageerayaasha Man City ayaa Xirirka FA ku dhaliilay in loo magacaabo Garsoore Clattenburg kulanka Manchester United ay kooxdoodu la leedahay.

MARK CLATTENBURG ayaa loo magacaabay garsooraha kulanka Manchester derby ee Sabtiga soo socda dhici doona.

Markii uu xagaa aad u mashquul badan qaatay ninkan oo dhex dhexaadiyay Champions League iyo Euro 2016 final-ladoodii, sidoo kalena raacsaday FA Cup Final, Clattenburg ayaa mar kale kulankan aadka u adag gacanta loo geliyay.

Manchester City ayey kuwa taageera yiraahdeen wuxuu ninkani u janjeeraa dhanka Man United.

Iyagoo barta Facebook ku baahiyay ‘Mark Clattenburg waa Taageeraha Qarsoon ee Manchester United Red Devils ayaa taariikh fiican sameysa kulan kasta oo uu garsooro 41-jirkani.
Sanadkii hore oo kaliya 5 kulan oo United ay ciyaartay ayuu gar qaaday, waxayna Reds badisay 3 halka ay 2 garab dhacday.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version