Muqdisho – Aalaaba way fududahay inaad wax bedesho. Balse way kasii fududahay marka aad hoggaamiye u tahay umad dhan.
Ficillada qof kasta uu kusoo muuqdo, saameynta ay yeelanayaan waxaa go’aamiya heerka magac ama mansab oo qofku nolosha ka gaarsiisan yahay.
Waxaa jiray waqti Burkina Faso laga xiran jiray dhar lagu sameeyey gudihiisa. Suuf lagu beeray kadibna lagu sanceeyey dalka ayaa min madaxweyne ilaa muwaadin ka wada sinnaa xirashadiisa. Taasi waxay abuurtay laba mid: in ganacsatadu sameeyaan maal-gelin xoog leh oo dalku uu iskaga filnaado qeyb ahaan dharka dunida kale looga soo waarido iyo in muwaadiniintu ka xoroobaan fikradda caqli gumeysi ee Faransiiskii xukumi jiray.
Haddi madaxweynaha uusan ilaa shirarka Midowga Afrika kaga soo qeyb-gali lahayn dhar lagu sanceeyey gudaha dalkiisa, shacbigiisu magarowsadeen qiimaha hantidooda.
Si lamid ah Soomaaliya, Burkina Faso waxaa soo maray waqti ay 80% waxna aqriyaan waxna qoraan. Maanta waxay nagula jiraan 10-ka ee ugu hooseeya heerka wax aqriska iyo faqriga.
Qiyaas marka mas’uuliyiin dowladeed ay dhammaan wada buugaag iyo qalin la’aan ku yihiin mid kamid ah kulamo diblomaasiyadeed oo ay ka qeyb-galayaan?!
Uma socdo inaan is-weydiiyo heerka aqooneed oo ay gaarsiisan yihiin ama maqaam sharafeedka ay ku taagan yihiin. Mana dhayalsano qiimaha sare oo ay muwaadiniin ahaan nagu dhex leeyihiin.
Hayeeshe, waxaa ila hadlaya waa sawirrada. Inaan si degan ugu kuurgalo ayaana igu filan inaan kala baxo farriinta uu sido.
