Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Marty Monson oo 25 sano kadib dib u helay farriin

Marty Monson oo 25 sano kadib dib u helay farriin

0

Nin u dhashay dalka Australia ayaa fariin 25 jir ah ka helay quraarad ku jirta wabi dhexdiisa, wuxuu geesta kale ogaaday qofka soo diray isaga oo isticmaalaya baraha bulshada.

Marty Monson, oo ku nool jasiiradda King, ayaa sheegay in uu dhalo ka helay horraantii bishii Janaayo webiga Maroodiga kadib baraha bulshada galiyay sawiradeeda.

Farriinta, ayaa ku taariikhaysan Juun 14, 1996, waxaa ku saxiixnaa magaca Mark Burton oo wata macluumaadka xiriirka, laakiin Monson wuxuu sheegay in nambarada teleefanku ay u muuqdaan kuwo dhacay.

Burton waxa uu sheegay inuu dhawaan farriimi ka helay walaashiis iyo hooyadii oo ku baraarujinaya boosto loo soo diray, fiirin kadib wuxuu ku arkay farriin ku jirta dhalo oo isaga iyo saaxiibkii ay ku dhex tuureen wabiga 25 sano ka hor.

“Waa mid ka mid ah waxyaabaha aad sameyso markaad caruur tahay, mana u maleynaysid inay wax ka soo bixi doonaan,” Burton ayaa yidhi.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version