Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Masar: Hooyo wiilkeeda ku heysay qol mugdi ah muddo 10 sanno!

Masar: Hooyo wiilkeeda ku heysay qol mugdi ah muddo 10 sanno!

0

Himilo FM –Dalka Masar, nolol xannuun badan oo uu ku jiray wiil dhallinyaro ah muddo 10 sanno ayaa la soo gabagabeeyay kaddib markii maamulka uu fara gelin ku sameeyay iyadoo la qaaday tallaabada ku habboon.

Warbaahinta Masar ayaa laga soo xigtay in Maxamed Rajab oo 17 jir ah inay hooyadii ku xertay qol yar oo mugdi ah oo uu ku jiray 10-kii sanno ee la soo dhaafay.

Sheekadan waxaa laga soo wariyay tuulada Sajiin oo katirsan deegaanka Quduur ee dalka Masar, waxaana dariska u suura gashay inay maqlaan cod yar oo ka soo baxayay guriga dhibanaha.

Intaa kaddib, waxaa la wargeliyay hay’ad maxali ah oo u dooda carruurta. Hinda Najiib oo madax ka ah ayaa la xiriirtay dadka u soo waramay ee u sheegay in hooyo ay wiilkeeda ku dhibaateynayso hoygeeda.

Booliiska ayaa ugu danbeyn la gaarsiiyay warka, waxaana suura gashay in la galo guriga. Waxaa loogu tagay wiilka 17 jirka oo ay ka muuqdeen dayac, daal iyo diif badan iyadoo loola cararay isbitaal.

Booliiska ayaa immika sameynaya baaritaano, waxaana la xusay in dhibanaha uu ahaa qof deggan oo aan xanuunsaneyn. Dhacdada hooyadii ku xertay waxay timid kaddib dhimashada aabihii oo laga joogo 10 sanno.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version