Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Mathieu: Ma aanan dooneynin inaan ku biiro Barcelona si aan kursiga keydka...

Mathieu: Ma aanan dooneynin inaan ku biiro Barcelona si aan kursiga keydka u diiriyo

0

Himilo – Jeremy Mathieu ayay Barcelona la soo saxiixatay sanadkii 2014 si ay ugu hesho in uu daboolo daafaca dhexe iyo danbe , laakiin ninka reer France ayaa qirtay in uuna xiiso u qabin fikradaas.

Wuxuu ahaa shaqsi muhiim u ahaa Valencia wuuna ogaa inuu qayb yar ka ciyaari doono kooxda reer Catalan. “Ma aanan dooneynin inaan aado Barcelona,” ayuu u sheegay L’Equipe.

Markii ay ii yimaadeen (2014), waxaan ahaa kabtanka kooxda Valencia, waxaan ku raaxeysanayay nolosheyda halkaas, waxaana isweydiinayay: ‘Miyaan nadiifinayaa kursiga keydka Barcelona?’

 “Markii aan helay qandaraaska ay ii soo bandhigeen, waxaan la soo baxay qandaraas cusub, kaas oo ay ku jirtay mushaar qiimihiisu u dhexeeyo kii aan markaas haystay iyo kii ay Barcelona ii soo bandhigtay.

Waxaan tusay qandaraaskan been abuurka ah agaasimaha isboortiga ee Valencia [Francisco] Rufete, anigoo u sheegaya: haddii la i siiyo waan sii joogayaa. Wuxuu ku jawaabay: ‘Taasi dhibaato maahan’

Waxaan la kulanay madaxweynaha [Amadeo Salvo], wuuna diiday. Rufete wuu rumeysan waayey.Waan jeexjeexay warqaddii waxaanan ku iri waan tagayaa. Waqtigiisii Barcelona uma uusan aheyn  sidii ay aheyd Valencia.

“Waxaan dhaliyay gool aan iska dhaliyay Barcelona kulankii Villarreal (barbaro 2-2 ah bishii Maarso 2016),” ayuu dib u xasuustay.

Meel gees ah kama aanan arkin kubbadda oo soo socota, xabadka ayay iga siibatay oo ay gashay. Intaas ka dib, dhammaan saxafiyiinta Isbaanishku way i burburiyeen, sidii anoo ula kac u sameeyay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version