Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Mauricio Pochettino ka tagay shaqadii kooxda Paris Saint-Germain

Mauricio Pochettino ka tagay shaqadii kooxda Paris Saint-Germain

0

Himilo – Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday in tababare Mauricio Pochettino uu ka tagay kooxda ka dib 18 bilood oo keliya oo uu maamulayay.

Tababarihii hore ee Tottenham Hotspur ayaa beddelay Thomas Tuchel sanadkii 2021-kii, wuxuuna kula guuleystay guud ahaan saddex koob intii uu joogay kooxda caasimadda.

PSG ayaa ku guuleysatay horyaalka heerka koowaad 2021-22 iyadoo afar kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedkii hore balse Pochettino ayaa ku guuldareystay Champions League.

Pochettino ayaa ka tagay PSG isagoo wadar ahaan diiwaan geliyay 56 guul, 13 barbaro iyo 15 guuldarro ah 84 kulan oo uu hogaaminayay

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version