Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Dalka Maxaa kataqaan taariiqda magaalada Lughaye oo Ethiopia ay sheegtay inay saldhig bad...

Maxaa kataqaan taariiqda magaalada Lughaye oo Ethiopia ay sheegtay inay saldhig bad ka dhisaneyso?

0
default

Himilo-Waxaa siixoogeysanaya isfahmiwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Ethiopia iyo Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Soomaaliland Muuse biixi iyo Rasul-wasaaraha Ethiopia ay gaareen heshiis lagu sheegay in Ethiopia ay badda case qeyb ka heleyso.

Inkastoo qodobada saxda ah ee lagu heshiiye uusan soobandhigin hogaanka Soomaaliland hadane waxaa heshiisa dhankooda ka hadlay maaamulka Ethiopia oo heeshay inay helayaan 20kkm oo badda iyo dhulka Soomaaliya ka mid ah.

Lataliyaha Amniga Ethiopia Ridwan Xuseen oo ka hadlay heshiiska waxa uu sheegay Meesha lagula heshiiye ee 20km oo badda iyo bariga ay ka helayan inay tahay Magaalada Lughaye oo ka tirsan gobolka Owdal.

Hadabada maxaan ka naqaan taariiqda iyo goobta ay dhacdo magaalada Lughaye?

Lughaye waa magaalo xeebeed qaddiimi ah oo ku taal waqooyi galbeed ee gobolka Awdal.

Lughaya waxa ay 50 km koonfurta kaga beegantahay dekedda Jabuuti, 200km-na waxay dhanka waqooyiga ka xigtaa degmada Berbera. Sidoo kale waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu weyn gobolka Awdal.

Shacbka deggan waa dad xoolo dhaqato ah, sidoo kalana kalluumeysato ah, waxa ay caan ku tahay kalluunka iyo caanaha geela.

Degmadan waxaa deggan dad lagu qiyaaso 75,000 oo qof.

Deegaannada hoosyimaada degmada Lughaya waxaa lagu cabbiraa dhul baaxaddiisu le’eg tahay ilaa 10,421 km kaasi oo ay ku dhaqan yihiin dad gaaraya ilaa 182,706.

Sida caadiga degmadani waxaa xarun u ah magaalada xeebta ah ee Lughaya.

Magaalooyin kale ee ku hareereysan ama xiriirka laleh waxaa ka mid ah Saylac, Caasha Cado, Xariirad, Jidhi iyo Lawyacaddo kuwaasi oo isugu jira magaalooyin iyo tuulooyin.

Gobolka Awdal oo ay ka tirsan tahay degmada Lughaya ayaa ah gobol taariikh dheer leh isla markaana lagu xusuusto xadaarad suldaannimo, boqortooyo iyo ismaamul dheer oo muddo soo jiray.

Boqortooyada Adal waxay ka mid tahay awooodihii ugu caansanaa ee ka soo talin jirey gobolka Awdal.

Awdal waxaa magaalo madax u ah caasimada Boorama, oo ah magaalada ugu weyn gobolka.

Gobolkan waxa uu ka mid yahay gobollada ugu horumarsan woqooyiga gaar ahaan, xag dhaqaale, waxbarsho, diin ahaan iyo mid isgaadhsiineedba.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version