Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Maxaa midabka hoose ee maraakiibta looga dhigaa casaan?

Maxaa midabka hoose ee maraakiibta looga dhigaa casaan?

1

Himilo- Waxay u badan tahay inaad aragtay ama telefishinka ka daawatay maraakiib midabka qeybtooda hoose laga dhigay casaan. Dad badan ayaa su’aalo ka keenay sababta midabkan gaarka ah loo doortay oo aan loo qaadan midabada kale.

Baaritaano ayaa muujiyay in sababo badan ka danbeeyaan doorashada midabka casaanka. Waxaa ugu weyn sababaha in midabkan uu yahay mid laga sooci karo midabada kale; islamarkaana ka duwan midabka badweynta.

Waxaa sidoo kale kamid ah sababaha loo doortay midabka in lagula dagaalamo cayayaanka badweynta ee tirada badan oo iyagu dhaawacaya qalabka hoose ee markabka sida laga soo xigtay Andrew Coles.

Andrew ayaa sidoo kale xusay in hadda aysan jirin baahi badan oo loo qabo in midabka hoose ee maraakiibta laga dhigo casaan laakiin waxaa wali adeegsada shirkado badan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version