Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Maxaa taajka quruxda Ukarine looga qaaday Veronika Didusenko?

Maxaa taajka quruxda Ukarine looga qaaday Veronika Didusenko?

0

HImilo- Veronika Didusenko ayaa keliya afar maalin ahayd boqoradda quruxda Ukraine sannadkii 2018 iyadoo laga qaaday taajka quruxda kaddib markii la oggaaday inay tahay hooyo, taasi oo xadgudub ku ah sharciga doorashada tartanka quruxda.

Didusenko ayaa ku sheegtay wareysi in aan loo oggoleyn hooyooyinka ka qeybgalka tartanka balse waxay xustay in qaban qaabiyaasha ku dhiira geliyeen inay qeyb ka noqoto.

“Maxay tahay sababta haweenay looga saarayo tartanka? Keliya inay tahay hooyo, waa arrin aan micno sameynayn,” ayay tiri haweenayda 24 jirka ah.

Shuruudaha tartanka quruxda caalamka waxaa kamid ah in tartamaha uu noqdo qof aan horay u soo dhalin.

Haweenayda laga qaaday taajka quruxda Ukraine ayaa hadda diyaarineysa dacwad ka dhan ah hay’adda tartanka iyadoo rajo ka qabta in la beddalo sharciga takooraya hooyooyinka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version