Himilo – In ka badan 200 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsiga ku yaalla magaalada dekedda leh ee Karachi ee koonfurta Pakistan, kaddib markii dhul-gariir dhibaato u geystay gidaarrada xabsiga, sida uu sheegay Wasiirka Koowaad ee gobolka Sindh, Murad Ali Shah.
Dhacdadan ayaa dhacday habeenkii Isniinta, iyadoo maxaabiistu ay ka baxsadeen gidaarka dhaawacmay ee xabsiga Malir, halkaas oo ay saameeyeen dhulgariirro khafiif ah oo ka dhacay gobolka tan iyo Axaddii, ayuu yiri Shah.
“Maxaabiista ayaa laga soo saaray qolalkii ay ku jireen sababo la xiriira dhulgariirkii dhacay, taasina waxay ahayd khalad,” ayuu u sheegay warfidiyeenka magaalada Karachi.
Wuxuu intaas ku daray in maxaabiista qaar ay qabsadeen qoryaha ciidanka waardiyeyaasha, isla markaana hal maxbuus la toogtay intii lagu guda jiray rabshadahaas, halka askar kale ay ku dhaawacmeen.
“Qiyaastii 216 maxbuus ayaa baxsaday, waxaana ilaa hadda dib loo soo qabtay 80 ilaa 82 ka mid ah,” ayuu yiri.
Wuxuu ku tilmaamay dhacdadan mid “argagax leh,” isagoo intaas ku daray:
“Waxaa xabsiga Malir ku jira in ka badan 6,000 oo maxbuus, maamulka xabsigana waxay dibadda u soo saareen maxaabiista markii dhulgariirka dhacay, waxaana ka faa’iideystay qaar ka mid ah maxaabiista oo u baxsaday si koox-koox ah.”
Wasiirka ayaa uga digay dhammaan maxaabiista baxsatay inay si degdeg ah isku soo dhiibaan, haddii kale dacwado argagixiso la xiriira ayaa lagu soo oogi doonaa.
