Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Maxaad ka ogtahay siddeeda ciyaartoy ee iibsaday kooxo kubbadda cagta ah

Maxaad ka ogtahay siddeeda ciyaartoy ee iibsaday kooxo kubbadda cagta ah

0

Himilo – Xirfad tababarnimo ama kursi raaxo leh oo ku yaal istuudiyaha TV-ga, Kuwani caadi ahaan waa xulashooyinka sugaya ciyaartoyda kubbadda cagta marka maalmaha ciyaartoodu ay dhammaato.

Ka qayb galka ciyaaraha waa qayb aan laga gorgortami karin nolosha dad badan oo hore u ahaan jiray. Ka dib oo dhan, kubbadda cagta waa wax walba oo ay waligood yaqaaneen, sidaas darteed waa wax dabiici ah in la abbaaro meel marka ay lugaha kala baxaan garoomada.

Laakin halka maamulka  ay caadi la yihiin qaar, qaar kale waxay sii maraan tallaabo dheeraad ah oo ay ku dhiiradaan lahaanshaha koox.

Dhammaanteen waan ognahay David Beckham iyo Inter Miami, laakiin halyeyga Manchester United iyo Real Madrid maahan xiddiga kaliya ee kubadda cagta ee koox iibsaday. Runtii waxaad la yaabi doontaa inta ciyaartoy ee sar-sare ee saamiga ku leh kooxaha kubbadda cagta adduunka.

Waxaa jira 8 ciyaaryahan oo kuwa  hore iyo kuwa hadda ciyaaraba oo leh naadiyo kubbadda cagta.

David Beckham

Waxaan ku bilaabi doonaa Becks iyo mashruuciisa Inter Miami. Xiddigii hore ee England ee LA Galaxy waxa uu si wayn u galbiyay taageerayaashii kubbadda cagta ee Maraykanka wuxuuna soo jeediyay dareenka qaranka ee ciyaaraha markii ugu horraysay tan iyo 94kii koobkii aaduunka.

Beckham oo doonaya inuu ku sii jiro safka hore ee horumarkiisa, waxa uu iibsaday xayaysiiska balaadhinta 2014 wuxuuna doortay Florida inay noqoto saldhiga kooxda cusub.

Inter Miami waxay soo bandhigtay MLS-keedii ugu horreeyay sanadkii 2020 waxayna ku tiirsantahay xiddigo magac leh sida  Kieran Gibbs, Ryan Shawcross, Blaise Matuidi iyo Gonzalo Higuain.

Ronaldo

Ninka Saddexda jeer  ku guulaystay Ballon d’Or waa mulkiilaha aqlabiyadda leh ee kooxda Isbaanishka ee Real Valladolid – taas oo bishii May u dhacay heerka Segunda Division.

Ronaldo waxa uu nolol ka dhisay Spain ka dib markii uu la soo shaqeeyay Barcelona iyo Real Madrid, sidaa darteed la yaab maaha in markii uu saami ku yeeshay kooxda Fort Lauderdale Strikers, waxa uu go’aansaday in uu u jeesto kubbadda cagta Spain.

Waxa uu ku iibsaday saamiga gacanta ku haya Valladolid ku dhawaad 25 milyan ginni sanadkii 2018 dib uma uu eegin.

The Class of ’92

Gary Neville, Ryan Giggs, Paul Scholes, Nicky Butt iyo Phil Neville – xubno ka mid ah jiilkii dahabiga ahaa ee Manchester United oo si wada jir ah loogu magac daray ‘Class of’ 92′ – ayaa si wada jir ah  2014 u iibsaday koox yar oo aan caan ahayn oo aan horyaalka ahayn Salford City.

Dabayaaqadii sanadkaas, bilyaneer reer Singapore ah Peter Lim wuxuu iibsaday 50% saamiga kooxda, halka David Beckham, oo aan ka mid ahayn la wareegistii bilawga ah ee uu la galay Inter Miami, uu la yimid saamiga 10% 2019.

Waxay beddeleen midabada Salford ee orange-ka una beddeleen casaan, taas oo aan si fiican u dhicin taageerayaasha, laakiin maalgashigooda ayaa saameyn weyn ku yeeshay garoonka.

Naadigu waxa ay gaadheen Horyaalka Kubadda Cagta 2019 waxana ay leeyihiin bartilmaameed ay ku gaadhaan Championship siddeedda xilli ciyaareed ee soo socda .

Didier Drogba

Halyeeyga Chelsea ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay xirfadiisa quruxda badan ku qaatay Waqooyiga Ameerika, markii ugu horreysay Montreal Impact ee Canada iyo markii dambe Phoenix Rising ee Mareykanka.

Ka dib markii uu u saxiixay kooxda 2017, Drogba wuxuu noqday milkiilaha laga tirada badan yahay – taasoo ka dhigaysa ciyaaryahankii iyo mulkiilihii ugu horreeyay ee taariikhda kubada cagta.

Ivorian-ka ayaa ka fariistay ciyaaraha sanad ka dib laakiin wali waxa uu ku sii lug leeyahay maamulka kooxda.

Demba Ba

Weeraryahankii hore ee Chelsea iyo Newcastle United ayaa kabihiisa ciyaaraha bixiyay bishii September, laakiin waxa uu qeyb ka ahaa milkiilayaasha koox Mareykan ah in ka badan shan sano.

Isaga iyo saaxiibkiisii hore ee Eden Hazard, Ba waxa ay sameeyeen San Diego 1904, waana guddoomiyaha kooxda ilaa maantadan la joogo.

Naadiga waxaa loo yaqaan ‘1904’ sababtoo ah ‘S’ waa xarafka 19-aad ee alifbeetada iyo ‘D’ waa kan afraad.

Zlatan Ibrahimović

Zlatan Ibrahimovic waxaauu qayb ka yahay milkiilaha kooxda heerka koowaad ee Iswiidhan Hammarby IF.

Sannadkii 2019-kii waxa uu iibsaday 23.5% saamiga kooxda, taas oo aan u wanaagsanayn taageerayaasha Malmo.

Si aad ah uga xumaadeen halka ay taageerayaasha kooxdiisii hore ee Ibra ay ku dumiyeen taallada halyeyga Barcelona, Inter Milan iyo PSG ee bannaanka garoonkooda.

Gerard Pique

Daafaca Barcelona ayaa dib u iibsaday FC Andorra bishii December 2018 isaga oo u sii maraya shirkadiisa Kosmos Holding Group.

FC Andorra waa koox kubbada cagta ah, laakiin waxay ku tartamayeen nidaamka horyaalka kubbadda cagta Spain tan iyo 1948 kii.

Waxay hadda ku sugan yihiin heerka saddexaad ee Spain waxayna ku dhow yihiin inay u dallacaan Segunda Division sannadkii hore iyadoo uu hagayo maareeye – iyo ku xigeenkii hore ee Barca – Eder Sarabia.

Paolo Maldini

David Beckham maahan halyeyga kubbadda cagta ee koox ku leh Miami.

Halyeyga reer Talyaani ee Paolo Maldini ayaa ku biirey xoogaga ganacsade Riccardo Silva si ay u bilaabaan Miami FC 2015 waxaana uu leeyahay 50% saamiga kooxda.

Maldini ayaa u magacaabay saaxiibkii hore ee Talyaaniga iyo AC Milan Alessandro Nesta inuu noqdo tababarihii ugu horreeyay ee kooxda waxaana loo caleemo saaray ku guuleysiga Koobka America’s East Championship 2019.

W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version