Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Maxamed Salaax ‘ma doonayo inuu qandaraaska u kordhiyo Liverpool’

Maxamed Salaax ‘ma doonayo inuu qandaraaska u kordhiyo Liverpool’

0

Himilo – Weeraryahanka Liverpool Maxamed Saalax ayaa lagu soo waramayaa inuusan dooneynin inuu heshiis kordhin u sameeyo kooxda Reds.

29-sano jirkaan heshiiskiisa sii joogidda Anfield waxaa ka haray wax ka yar 18 bilood, iyadoo wadahadalada heshiis kordhin ah weli aysan hirgelin.

Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan xaalada Maxamed Saalax inuu sii joogato kooxda Liverpool iyo in kale.

Sida laga soo xigtay Sport, Salah ‘ma doonayo’ inuu heshiis cusub la gaaro Liverpool, waxaana uu doonayaa inuu ka tago Premier League xagaagan waa haddii ay suurtogal tahay in la iibiyo.

Salah ayaa dhaliyay 28 gool iyo 10 kalana caawiyay 36 kulan oo uu  u saftay Reds tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan weli ciyaarihiisu socdaan.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version