Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Maxay tahay sababta uu Achraf Hakimi uga tagay Real Madrid?

Maxay tahay sababta uu Achraf Hakimi uga tagay Real Madrid?

0

Himilo – Wakiilka Alejandro Camano ayaa sheegay in Achraf Hakimi uu uga tagay Real Madrid sabab la xiriirta in uu beddalka labaad u noqonaya booska Dani Carvajal.

Inkasta oo bandhig wanaagsan ka sameeyay Borussia Dortmund oo ammaah uu ku joogay labadii xilli cayaareed ee ugu danbeysay haddana Real Madrid ayaa laacibka ka iibisay kooxda Inter heshiis ku kacay £36.7m.

Wakiilka cayaaryahanka Camano ayaa xusay in Zinedine Zidane uusan kalsoonida badan ku qabin cayaaryahanka qaranka Morocco.

Isaga oo la hadlayay Al Mountakhab, Camano ayaa tilmaamay Zidane uu yahay sababta ka danbeysa heshiiska uu laacibka la gaaray kooxda Talyaani.

21 jirka ayaa ka tagay Bernabeu isaga oo keliya ka soo muuqday 17 kulan dhammaan tartamada oo idil.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version