Home Macluumaad Maxay yihiin sawirrada ugu saamaynta badan ee dagaalka Maraykan iyo Israa’iil ay...

Maxay yihiin sawirrada ugu saamaynta badan ee dagaalka Maraykan iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan

0

Himilo – Boqol maalmood kadib dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan,  ayaa galay xaalad cakiran oo aan lahayn jiho cad ee lagu soo afjari karo, taasoo ka fog ballanqaadkii hore ee Madaxweyne Donald Trump ee ahaa in dagaalku si degdeg ah ku dhammaan doono.

Inkastoo xabbad-joojin ay dhexdhexaadisay Pakistan ay dhaqan gashay 8-dii Abriil, haddana dagaallada iyo khasaaraha bani’aadamnimo ayaa weli sii socda. Marin-biyoodka Hormuz ayaa inta badan u xiran maraakiibta ganacsiga, halka wada-hadalladii nabadda ay qarka u saaran yihiin inay fashilmaan, iyadoo weerarro kala duwan ay ka socdaan jihooyin badan.

Dagaalka ayaa sidoo kale ku fiday Lubnaan, halkaas oo Israa’iil ay ballaarisay howlgalladeeda militari, iyadoo qabsatay dhulal dheeraad ah oo ku yaalla koonfurta dalkaas, burburisay tuulooyin badan, isla markaana barakicisay in ka badan hal milyan oo qof.

Sida lagu sheegay warbixinta, ugu yaraan 3,593 qof ayaa lagu dilay Lubnaan, halka 3,468 qof lagu dilay Iiraan weerarrada ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil. Dhanka kale, weerarrada Iiraan ayaa sababay dhimashada 29 qof oo ku nool dalalka Khaliijka, 26 qof oo Israa’iiliyiin ah iyo 13 askari oo Mareykan ah.

Warbixintu waxay muujinaysaa saameynta ba’an ee dagaalkan uu ku yeeshay shacabka ku nool Iiraan, Lubnaan iyo guud ahaan gobolka, iyadoo sawirro iyo muuqaallo laga soo ururiyey goobaha dagaalka ay ka tarjumayaan burburka, dadka dhintay, barakaca shacabka iyo khasaaraha sii kordhaya ee colaaddan oo aan weli muuqan dhammaadkeeda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version