Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Maxbuus liqay taleefan oo qalliin naf badbaadin ah loo sameeyay

Maxbuus liqay taleefan oo qalliin naf badbaadin ah loo sameeyay

0

Himilo – Maxbuus 29 jir ah oo ku sugnaa xabsi ku yaal dalka Ireland ayaa ka yaabsaday Takhaatiirta markii loola cararay qolka gargaarka degdegga kaddib sheegashadiisa aheyd inuu liqay telefoon gacanta ah.

Baaritaankii koowaad waxaa maxbuuska la saaray raajo xabadka ah oo lagu ogaaday in telefoonku uu dhexyaalo uur ku jirta dhexdeeda meel ka koreysa geesta caloosha, iyadoo la tuhunsan yahay inuu si ku talo-gal ah uu u liqay telefoonka.

Siddeed saacadood kaddib baaritaan kale oo lagu sameeyay ayaa misna lagu ogaaday in telefoonku uu calooshiisa usii daadegay uuse gaarin mindhiciradiisa.

18 saacadood kaddib Takhaatiirta ayaa go’aansaday maaddaama telefoonku aanu dhaqaaq kale sameyn in ninkan qalliin lagu sameeyo.

Takhaatiirta ayaana ku guuleystay qalliinka iyadoo toddobaad kaddib maxbuuska laga saaray cusbitaalka uu ku jiray markuu bogsaday.

Waa goortii u horeysay taariikhda oo qof da’weyn aan carruur aheyn uu liqo wax telefoon ama u dhigma oo gurmad degdega loo sameeyo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version