Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Mbappe oo aan doonaynin inuu qandaraas cusub u saxiixo PSG

Mbappe oo aan doonaynin inuu qandaraas cusub u saxiixo PSG

0

Himilo –Kylian Mbappe ayaan wax muhiimad ah ka lahayn inuu qandaraas cusub u saxiixo PSG, waxaana laga yaabaa inuu qaato mushaar  dhimis si uu ugu biiro Real Madrid.

Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu u caddeeyay Paris Saint-Germain in mustaqbalkiisa dheer  uu yaallo  meel kale.

20 jirkan ayaa labo xilli ciyaareed ku qaatay PSG, waxaana qandaraaskiisa haatan uusan dhammaaneyn illaa iyo 2022-ka.

Real Madrid ayaa muddo dheer  xiiseyneysay  xiddiga reer France, waxaana ay isku dayayaan inay sii wadaan doonistooda.

Mbappe waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican PSG, sida laga soo xigtay Marca, Real ayaa awoodi waysay inay kula tartamaan kooxda ka dhisan Paris mushaarkiisa.

Real ayaan u badneyn inay u dhaqaaqaan Mbappe xagaagan, iyagoo horay ugu kharashgareeyay lacag badan Eden Hazard oo ka yimid Chelsea.

Mbappe ayaa dhaliyay 33 gool waxaana uu u caawiyay toddobo gool  29 kulan oo horyaalka Ligue 1 ah xilli ciyaareedkii hore.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version