Home Cayaaro Messi oo ku dhaw in uu barbareeyo rikoor uu heysto keliya Giggs

Messi oo ku dhaw in uu barbareeyo rikoor uu heysto keliya Giggs

0
SPT_GCK_290511_Football Champions league final Wembley, Barcelona v Manchester United, Picture Graham Chadwick. Lionel Messi and Giggs

Himilo FM –Kabtanka kooxda Barcelona ee Messi ayaa ku dhaw in uu burburiyo rikoorka uu heysto Ryan Giggs oo ah tirada ugu badan ee ah in koob loo qaado hal koox.

Lionel Messi ayaa hadda sameynaya wax qabad qurux badan marka loo eego in sannadkan uu sameeyay bandhig sarre, waxa uu dhaliyey 46 gool iyo 22 caawin dhammaan tartamada.

Ryan Giggs waa ciyaaryahanka keliya ee taariikhda hantay 36 koob isaga oo la qaaday hal koox, laakiin Messi ayaa ku dhaw in  uu soo afmeero sheekadaasi.

Halyeyga Man Utd ayaa 14 sanno joogay Old Trafford laga soo billaabo 1990 illaa 2014, intii lagu guda jiray sannadahaasi waxa uu hantay  13 EPL, 10 Community Shields, 4 League Cups, 4 FA Cups, 2 Champions Leagues, 1 European Super Cup, 1 Intercontinental Cup and 1 Club World Cup.

Balse Lionel Messi ayaa hantay 34 koob tan iyo markii uu yimid Nou Camp. Messi ayaa xalay u dabaal degay koobkii 10aad ee La Liga sidoo kale waxa uu naadiga kula guuleystay 4 Champions Leagues, 6 Copa del Rey iyo koobab kale.

Messi ayaa la sinnaan kara Giggs haddii uu Barcelona ka saacido hanashada Copa Del Rey iyo Champions League xilli ciyaareedkan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version