Shirkadda Meta, oo iska leh barnaamijyada Facebook, Instagram, iyo Threads, ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso barnaamijkeeda hubinta xaqiiqada oo ay u sameeyaan hay’ado saddexaad. Barnaamijkan, oo shirkaddu soo isticmaaleyse tan iyo 2016, ayaa lagu beddeli doonaa qaab cusub oo la yiraahdo “Community Notes,” oo la mid ah nidaamka cusub ee ay adeegsaneyso shirkadda X
Meta waxay sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay inay dib ugu noqoto “ballanqaadkeeda aasaasiga ah ee xorriyadda hadalka.” Waxay sidoo kale sheegtay in qaabka cusub uu kor u qaadi doono xorriyadda hadalka iyadoo laga qaadayo xannibaadaha mowduucyada qaar iyo doodaha caanka ah ee bulshada.
Meta ayaa sidoo kale shaacisay inay beddeli doonto habka ay u fuliso siyaasadeheeda si loo yareeyo khaladaadka badan ee keena cunaqabateynta aan loo baahnayn ee ku dhacda isticmaalayaasha. Shirkaddu waxay qirtay in nidaamyada otomaatiga ah ee ay u adeegsanayeen baarista ku xadgudubyada siyaasadaha ay sababeen in si khaldan loo xannibo waxyaabo badan oo aan wax dhibaato ah lahayn.
Maamulaha guud ee Meta, Mark Zuckerberg, ayaa ku sheegay muuqaal shirkaddu baahisay inay “dib ugu soo noqonayso aasaaskii ay ku dhisantay, iyadoo diiradda la saarayo yareynta khaladaadka, fududeynta siyaasadaha, iyo soo celinta xorriyadda hadalka.”
