Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Milan oo la saxiixatay goolhayaha kooxda Lyon

Milan oo la saxiixatay goolhayaha kooxda Lyon

0

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­– Milan ayaa dhammeystirtay la saxiixashada goolhayaha kooxda Lyon, Ciprian Tatarusanu kaasi oo kooxda sii joogi doona ilaa June 2023.

Kooxda Ligue 1 ee Lyon ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in labada koox isku af-garteen sidii loo dhammeyn lahaa xaaladda xiddigan.

34-jirkaan ayaa dib ugu soo laabanaya Serie A, isaga oo horey ugu qarash gareeyay muddo seddax sano ah kooxda Fiorentina intii u dhaxeysay 2014 iyo 2017, kahor inta uusan u hayaamin dalka France iyo naadiga Nantes.

Waxa uu beddel aan in badan la isticmaalin u noqon doonaa Gianluigi Donnarumma kaasi oo ah booska koowaad ee San Siro.

Milan si rasmi ah uma xaqiijin qiimaha, balse warbixinnada qaar ayaa sheegaya in Rossoneri ku bixisay €500,000 milyan oo Yuuro.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version