Home Cayaaro Milan oo u lumisay Kabak kooxda Schalke

Milan oo u lumisay Kabak kooxda Schalke

0

Himilo – Milan ayaa u muuqata inay ku guul dareysatay saxiixa Ozan Kabak sababtoo ah daafaca  Stuttgart ayaa doortay inuu ku biiro Schalke.

AC Milan ayaa laashay wadahadalo ay kula jirtay Ozan ka dib markii ay muujiyeen inaysan  doonayn inay bixiyaan  qiimaha qandaraaskiisa lagu masixi karo oo ah 15 milyan oo Euros.

Si kastaba ha ahaatee, Bild ayaa aaminsan in 19 jirkan uu Germany  sii joogayo, Schalke ayaana kula loolamaysa Bayern.

Mareegtan waxay sharraxaysaa agaasimaha isboortiga Schalke  Michael Reschke inuu keenayo xiddiga  Turkiga  Stuttgart.

Sida Bayern, waxaa la sheegayaa inay doonayaan inay wax ka qabtaan mustaqbalka Jerome Boateng ka hor inta aysan iibsanin.

Sky Sport Deutschland ayaa sidoo kale ku warameysa in Kabak uu oggolaaday inuu ku biiro kooxda Royal Blues, lakiin waxa uu sheegay inaysan weli wadahadal la galin Stuttgart.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version