Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Miyay Arsenal heshiis la gaartay Coutinho?

Miyay Arsenal heshiis la gaartay Coutinho?

0

Himilo – Philippe Coutinho ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu ka dhaqaaqayo kooxda Barcelona bilihii lasoo dhaafay, iyada oo laga hadal hayay in uu ku biirayo Arsenal, balse Unai Emery ayaa ku adkeystay in Arsenal aysan wax wadahadal ah la gelin xiddigan.

Laacibka qaranka Brazil ayaa hadda wajahaya loolan cusub oo kaga imaanaya saxiixa dhawaan galka ah  ee Antoine Griezmann kaasi oo yimid Camp Nou, halka barbaarkii hore Blaugrana ee Neymar uu ka mid yahay dooqyada laga hadal hayo in ay imaanayaan kooxda Barcelona.

Coutinho ayaa 18 bil oo aan guuleysan la qaatay Barca, waxaana hadda uu xiisa kaga imaanayaa kooxaha Paris Saint-Germain, Manchester United iyo Liverpool oo iyagu daneynaya saxiixiisa. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah naadiga Arsenal.

Mar uu ka hadlayay hoggaamiyaha Gunners haddii uu imaanayo xiddigan Emery ayaa yiri: “Ka ciyaaryahan ahaan waan jeclahay Coutinho, laakiin ma jiraan wax kale oo xiisa ah oo aan isagu u heyno, ma jiraan wax wadahadal ah oo aan galnay kuna saabsan  Coutinho.”

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version