Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Miyay bishan July noqon kartaa bishii ugu kuleylka badneyd caalamka ?

Miyay bishan July noqon kartaa bishii ugu kuleylka badneyd caalamka ?

0

Himilo – Mowjadda kuleylka darran ee laga dareemay goobo badan oo caalamka ah bishii tagtay iyo horraantii bishan ayaa ku dhalisay khubarada isweydiin badan oo la xiriirta cimilada caalamka.

Baarayaal ku taqasusay isbadalka cimilada ee meerayaha dhulka ayaa sheegay in bishan July noqon doonto bisha ugu kulul caalamka marka la eego diiwaanka heer-kulka oo la bilaabay sannadkii 1880-kii.

Ziek Hosphor oo ah baare u dhashay Mareykanka ayaa xusay in kuleylka bishan July uu noqon doono kii ugu sarreeyay ee la diiwaan geliyo islamarkaana jabiya rikoorkii kuleylka caalamka ee la qoray 2017.

Agaasimaha machadka baaritaanada cirka ee Mareykanka ayaa qoraal uu dhigay Twitter-ka ku sheegay in sannadka 2019 noqonayo mid kamid ah sannadaha ugu kulul dunida taariikhda inta la xusuusto.

Micheal Mann oo katirsan jaamacadda Pennsylvania ahna khabiir ku xeeldheer arrimaha dhulka ayaa ka faallo dhiibtay aragtida ah in July noqonayso bishii ugu kuleylka badneyd caalamka.

“Haddii bishan noqotay midda ugu kulul marka la eego billihii kale ee July, waa hubaal waa bisha ugu kulul marka la fiiriyo diiwaanka la hayo,” ayuu yiri Micheal.

Warbixin ka soo baxday hay’adda Mareykanka ee badweynta iyo hawada ayaa tilmaamtay in kuleylka bishan laga dareemay Ameerika, Ruushka, Asia, Afrika, Latin Amerika, Pacifiga iyo waqooyiga badweynta Hindiya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version