Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Morooko: Guurka macallimad iyo arday 19 jir ah oo dhaliyay dood kulul

Morooko: Guurka macallimad iyo arday 19 jir ah oo dhaliyay dood kulul

0

Himilo FM –Dalka Morooko, Macallimad guursatay arday kayar 10 sanno ayaa waxaa ka dhashay dood kulul, waxayna dadka u qeybsameen kuwa ku tilmaamay wax caadi ah iyo kuwa dhaleeceeyay.

Sida ay soo warisay warbaahinta maxaliga ah, macallimada oo ah 29 jir ayaa guursatay ardayga oo 19 jir ah oo ay wax ku barto dugsiga kaddib markii uu jaceyl dhax maray.

Sheekadan waxay noqotay midda loogu hadal-heynta badan yahay baraha bulshada iyadoo dadku ku kula qeybsameen.

Dadka taageeray waxay tilmaameen in sharcigu oggol yahay guurka halka inta ka soo horjeesatay sheegeen inay xadgudub ku tahay farriinta barbaarinta waxbarasho.

Marwaan Miftaax oo ah dhaqdhaqaaqe ayaa faallo ka bixiyay sheekada guurka, waxa uu sheegay in arrinta u muuqato mid sahlan oo aan ceeb laheyn mar haddii doonis laga hayo labada dhinac.

“Marka bulshada aqbasho in macallin uu guursado arday gabar ah, waa inaan si wanaagsan u eegnaa guurka macallimad ee arday,” ayuu yiri Marwaan.

Faaduma Cabdulaahi ayaa qabta ra’yi ka duwan kan Marwaan, waxay qoraal ku sheegtay in macalllimiinta laga doonayo inay il waalid ku fiiriyaan ardayda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version