Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Muqdisho oo la furay xarun u taagan inay ka hor tagto burburka...

Muqdisho oo la furay xarun u taagan inay ka hor tagto burburka qoysaska

0

Himilo – Xarun loogu tala galay inay xalliso khilaafaadka  Lammaaneyaasha is qaba ayaa laga furay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan.

Xarunta badbaadada qoyska oo ay aasaaaseen  wiilal iyo gabdho reero leh kuwaas oo ay ku jiraan  xubno ay qoysaskoodii is-maan dhaaf dhex maray uga burbureen.

Waxay hadda doonayaan inay ka hortaan kala tagga Lammaaneyaasha is qaba oo ay sheegeen inuu aad ugu soo badanayo magaalada.

Taniyo furiddii xaruntan waxaa ka faa’iideystay labaatan qoyska oo laga badbaadiyay inay is furaan sida ay sheegeen aasaasayaasha.

Hirgeliyaasha ayaa sheegay inuu furriinka lamaanaha ka billowdo waxyaabo sahlan oo haddii labada lammaane la tababaro laga baaqsan karo

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version