Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Muslimiinta Norway oo nuqulo Qur’anka kamid ah u qeybinaya dadyowga la nool

Muslimiinta Norway oo nuqulo Qur’anka kamid ah u qeybinaya dadyowga la nool

0

Himilo- Saddex ururrada Muslimiinta Norwey kamid ah ayaa bilaabaya ol’ole ay dadka aan Muslimiinta aheyn ugu qeybinayaan kitaabka Qur’anka.

Tallaabadan ayaa daba socta toddobaad kahor markii dibadbax Islaam naceyb ku saleysan oo ka dhacay gudaha Norwey uu ruux kamid ah dibadbaxyaasha isku dayay inuu gubo nuqul kamid ah Kitaabka Qur’anka.

Hamza Ansari, oo ku jira guddiyada mid kamid ah ururrada Muslimiinta ayaa yir; ”Dad badan mafahmsana micnaha xeesha dheer ee Islaamku u taagan yahay iyo farriinta Qur’ankani uu sido, waxaan rajeynayaa in ol’olahani uu dad badan ka saacidi doono inay xaqiiqda haleelaan.”

Magaalada Bergen iyo caasimadda Oslo ayaa laga qeybin doonaa nuqullada kitaabka Qur’anka. Waxaa lagu raja-weyn yahay in ol’olahani uu isku soo dhawaansho iyo faham qoto dheer ka dhex abuuro bulshooyinka ay la nool yihiin Muslimiinta Norwey.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version