Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Muuqaal laga duubay Muslim ku tukanaya dhinaca waddada oo ku baahay internet-ka.

Muuqaal laga duubay Muslim ku tukanaya dhinaca waddada oo ku baahay internet-ka.

0

Muqdisho – Muuqaal fiidiyow ah oo muujinaya nin Muslim ah oo ku tukanaya dhinaca waddada gasha xeebta Sydney ayaa ku baahay baraha bulshada.

Isaga oo Daily Mail kala hadlayay muuqaalka, madax-weyne ku-xigeenka Golaha Islaamiga ee Victoria, Adel Salman wuxuu yiri; “Waxaan ku tukaday waddooyinka marar badan, baakiinada, gegida dayuuradaha iyo xittaa garoomada kubadda cagta.”

“Waxaan tukanaa shan waqti maalin kasta – haddii aan gaarin masaajidda wax kuma jabna inaan meel nadiif ah ku tukano.”

“Dhab ahaantii, muusan dooneyn inay Salaaddu ka tagto.”

Muuqaalka waxaa laga duubay figta sare ee hoteelka Coogee Bay.

Waxaa la arkayay nin oo salliga ku fidsanaya waddada dhinaceeda: una jiheystay dhanka Kacbada.

Markii uu dhameeyey salaadda, wuu istaagay isaga oo salliga ka qaatay dhulka kahor inta uusan ku laaban gaarigiisa ag yiil.

Salman wuxuu bogaadiyay ficilka ninkani ku doortay inuu salaaddiisa isaga bixiyo.

“Waxa ugu danbeeya oo aan ka digtoonnahay waa inaan ilaalino dareenka dadka iyo walxaha nagu hareersan.”

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version