Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Muxuu Cristiano Ronaldo ka yiri xiddiga Matthijs de Ligt

Muxuu Cristiano Ronaldo ka yiri xiddiga Matthijs de Ligt

0

Himilo FM –Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa talo  ka siiyay suuqa 19 jirka daafaca dambeedka middig Matthijs de Ligt.

De Ligt ayaa la hadlay Cristiano Ronaldo kaddib markii guuldarro Holland ay ka soo gaartay Portugal finalkii koobka Nations Leagueaxaddii.

Sida laga soo xigtay daafaca dhexe ee 19 jirka ah, weeraryahanka Juventus ayaa siiyay talo da ‘yarkan aadka loo qiimeeyo .

De Ligt ayaa waxaa isha ku haya koox kasta oo weyn oo Yurub ka dhisan sida Manchester United, Liverpool, Barcelona iyo Paris Saint-Germain oo ka mid ah kooxaha ugu cadcad saxiixiisa.

Juventus ayaa sidoo kale lala xiriirinayay daafaca, waxayna u muuqataa inay Ronaldo u adeegsanayso.

Isagoo la hadlayay NOS, De Ligt ayaa xaqiijiyay in Ronaldo uu kula taliyay  inuu ku biiro Juventus.

De Ligt ayaa u muuqda inuu ka tagayo Ajax xagaagan laakiin weli ma hubo halka uu u socdo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version