Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Newcastle United iyo Everton oo ku biiray tartanka loogu jiro Franck Kessie

Newcastle United iyo Everton oo ku biiray tartanka loogu jiro Franck Kessie

0

Himilo – Newcastle United iyo Everton ayaa lagu soo waramayaa inay ku biireen tartanka loogu jiro khadka dhexe ee kooxda AC Milan Franck Kessie.

Inkasta oo cayaaryahanka reer Ivory Coast uu muhiim ka yahay garoonka San Siro, haddana Milan ayaa u furan inay iibiso laacibka ay dhaqaale u hesho.

Wolverhampton Wanderers iyo West Ham United ayaa sidoo kale lala xiriiriyay 23 jirka oo qandaraaskiisa kooxda reer Talyaani uu ku egyahay 2022-ka.

Si kasta, Tuttosport ayaa soo warineysa in Everton iyo Newscastle United u dhaqaaqi karaan saxiixa Franck Kessie suuq furanka xagaaga.

Cayaaryahanka khadka dhexe ayaa lagu qiimeeyay £25m.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version