Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Newcastle United oo £60m ku dooneysa Wilfried Zaha

Newcastle United oo £60m ku dooneysa Wilfried Zaha

0

Himilo – Newcastle ayaa lagu soo waramayaa inay u aragto laacibka Crystal Palace ee Wilfried Zaha mid kamid ah cayaaryahannada ay bartilmaameedka ka dhiganayso haddii laga aqbalo dalabkooda.

Zaha ayaa caddeeyay in uu ka tagayo Palace isaga oo doonaya koox weyn iyada oo lala xiriiriyay kooxaha Arsenal, Chelsea, Tottenham Hotspur iyo Everton.

Rabitaanka Zaha oo doonaya in uu ka cayaaro Champions League ayaa lagu tilmaami karaa caqabad weyn oo heysata Crystal Palace.

27 jirka ayaa ka soo muuqday 30 kulan oo xilli cayaareedkan ah isaga oo dhaliyay seddex gool islamarkaana caawiyay shan kale.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version