Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Newcastle United oo €50m ku dooneysa Eden Hazard

Newcastle United oo €50m ku dooneysa Eden Hazard

0

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay aqbashay €50m (£41.7m) oo ay Newcastle United ka gudbisay Eden Hazard; si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa diiday inuu u dhaqaaqo St James’ Park.

31-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Santiago Bernabeu, sababtoo ah waayihiisiisa caasimadda Spain oo aan wanaagsaneyn, taasoo keentay inuu hoos u dhaco bandhigiisa ciyaareed ee kooxda.

Los Blancos ayaa la rumeysan yahay inay diyaar u tahay inay kooxda ka tagaan illaa lix ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah bisha Janaayo, Hazard ayaana ka mid ah magacyada kooxaha lagala xaajoonayo bishan.

Sida laga soo xigtay El Nacional, Newcastle ayaa dalab hore u oo gaarayay €40m oo ay la socoto €10m oo dheeri ah, taasoo uu aqbalay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez.

Si kastaba ha ahaatee, Hazard ayaan wax niyad ah u haynin inuu ka tago kooxda suuqa jiilaalka ama uu ku biiro Magpies. Hazard ayaa guud ahaan Real Madrid u saftay 59 kulan tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay kaliya 5 gool sidoo kale waxa uu caawiye ka noqday 10 kale.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version