Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Neymar Jr. oo ku biiray koox cusub !!!

Neymar Jr. oo ku biiray koox cusub !!!

1

Weeraryahanka xulka qaranka Brazil Neymar Jr. ayaa wadahadalo soo jiitamay oo qandaraas kordhin ah la meel dhigi waayay kooxda Barcelona, waxaana furmay suurto galnimada uu laacibku kooxda Catalonia ka dhaqaaqi karo.

Cabsida ah in Neymar uu koox cusub ku biiri karo ayaa muddo taagneyd weyse timid oo xiddiga weerarka ka cayaara ayaa koox cusub u dhaqaaqay.

Neymar Jr. ayaana heshiis cusub oo layaab leh la gaaray kooxda Harlem Globetrotters ee dalka Mareekanka ka dhisan.

Ha cabsanina inta taageerta kooxda Barcelona, waayo kooxda uu Neymar ku biiray ee Harlem Globetrotters waa koox cayaarta Basket ball.

Neymar ayaana qaaday waddadii uu Lionel Messi isla kooxdan heshiiska uu ula gaaray sanadkii 2011.

Kooxda reer Mareekan ayaana sanad walba soo dhoweysa dad caan ah, sanadkan Neymar waxaa heshiiska kula jira oo kooxda NBA-da cayaarta kula biiray xiddiga Golf-ka caanka ku ah Jordan Speith iyo Jilaaga Kevin Hart.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version