Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Neymar oo heshiis kordhin u sameeyay Paris Saint-Germain

Neymar oo heshiis kordhin u sameeyay Paris Saint-Germain

3

Himilo – Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday in Neymar uu kooxda u saxiixay heshiis cusub uu naadiga uu kusii jaagayo ilaa June 2025, taasina waxay meesha ka saareysaa xanta ku aadaneyd in kooxda uu ka tegayo.

Xiddiga qaranka Brazil ayuu heshiiskiisii hore ku ekaa bishii June ee soo aadan waxaana la hadal hayay in uu dib uu ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona.

Si kastaba 29 sano jirkaan ayaa hadda si rasmi ah qallinka ugu duugay heshiis uu naadiga kusii joogayo ilaa 2025.

“Paris Saint-Germain waxay ku faraxsan tahay ku dhawaaqidda in Neymar da Silva Santos Junior uu saxiixay heshiis uu PSG kusii joogayo 30 June 2025,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay boggaa rasmiga ee kooxda PSG.

Neymar ayaa dhaliyay 85 gool halka uu caawiyay 51 gool kaddib markii uu saftay 112 kulan tan iyo markii uu yimid PSG xagaagii 2017

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version