Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Nigeria: Shan walaalo ah oo bartay xirfadda dhaqtarnnimada

Nigeria: Shan walaalo ah oo bartay xirfadda dhaqtarnnimada

0

Himilo – Baraha bulshada ay dadweynaha ku xiriiraan waxaa qabsaday sawirka shan gabdho walaalo ah kuwaasi oo dhammaantood dhaqaatiir ah.

Mid kamid ah gabdhaha waxaa lagu magacaabaa Dr. Salamat Ahuoiza Aliu, taasi oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Galbeedka Afrika oo caddeyn aqoon ka hesha cilmiga qalliinka maskaxda.

Walaalahaa ayaa bartay culuum kala geddisan sida qalliinka maskaxda, caafimaadka haweenka, qalliinka wajiga ama balaastikada, caafimaadka qoyska iyo caafimaadka guud.

Dhawaan ayay aheyd markii Dr. Salamat Aliu oo 40 sanno jir ah ay soo muuqatay kaddib markii ay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Nigeria ka barata cilmiga qalliinka maskaxda.

Waxay ka qallin beddelatay jaaamacadda Usmanu Danfodiyo University iyada oo baraatikada ku qaadatay isbitaalka qaranka ee Abuja.

Gabdhaha kale ee la dhashay Salamat Aliu ayaa kala ah Halima Aliu Ayo, Raliat Aliu Usman, Khadijah Aliu and Medinah Aliu.

Farxadda waalid waliba ayaa ah in uu heysto carruur ka guul gaara noloshooda laakiin marka carruurta ay go’aansadaan inay hal xirfad  bartaan ayaa ah farxad kale oo aan la qiyaasi karin.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version