Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Nin dalbaday in lala duugo lacag kaash ah si uu danbi-dhaaf ugu...

Nin dalbaday in lala duugo lacag kaash ah si uu danbi-dhaaf ugu helo Ilaahiisa

1

Muqdisho – Sarkaal katirsan dowladda Uganda ayaa qoyskiisa ka codsaday inay duugtiisa ku laraan lacag kaash ah kahor intaan la dhigin iilka.

52-jirka lagu magacaabo Charles Obong, oo ahaa sarkaal sare oo howl-gab ka noqday wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Uganda muddo la joogo 10-sano kahor ayaa dardaarankan weriyay kahor dhimashadiisa.

Obong ayaa u dhintay xanuun muddaba hayay. Wuxuu afadiisa u tilmaamay inay naxashkii kula rido 200 oo malyuun oo shilinka Uganda ah oo u dhigma 52,000 oo Doolarka Maraykanka ah.

Wuxuu walaalkiis iyo walaashiis ku adkeeyey inay la socdaan sida afadiisu balanta dardaarankiisa u oofineyso.

Obong ayaa sheegay in lacagtan u rabo inuu danbi-dhaaf kaga dalbado Ilaahiisa si looga cafiyo danbiyadii uu ifka ku galay. Si kastaba, wuu diiday inuu carabaabo nuuca danbi ee uu jecel yahay in Ilaahiisu ka cafiyo.

Balse Obong ayaa oggolaaday in qoyskiisu toddobaad kadib duugistiisa ay qodi karaan xabaasha si ay lacagta ugala soo baxaan.

 

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version