Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Nin feer ka jabiyay nin ka diiday inuu shinbiro quudiyo.

Nin feer ka jabiyay nin ka diiday inuu shinbiro quudiyo.

0

Muqdisho – Nin ayaa aad ugu dhaawacmay markii uu nin u sheegay inuusan gurigiisa hortiisa ku quudinin shinbiro, marka loo eego booliska dalka Japan.

Booliska Nagoya ayaa sheegay inay xireen 61-jir lagu magacaabo Yoshio Muranaga kadib markii lagu eedeeyey inuu feer ka jabiyay nin ka dalbaday inuusan gurigiisa hortiisa ku quudinin shinbiraha.

Maxkamadda horteeda, Muranaga waxaa lagu helay gabood-fal. Garsoore Yukie Yasufuku ayaa Muranaga ku riday lix bilood oo xabsi ah, waxaana laga reebay saddex sano maadaama uu ka qoomameeyey.

Marka loo eego baaritaanka booliska, Muranaga wuxuu jeclaa quudinta shinbiraha jooga hareeraha guriga dhibanaha.

Maalin ayuu dhibanaha diiday in Muranaga uu hortiisa shinbiro ku quudiyo maadaama ay gurigiisa halleynayaan. Wuxuuna ugu yeeray inuu ka haro.

Murunaga wuxuu ka carooday ereyadiisa wuuna garaacay. Dhibanaha waxaa loola cararay isbitaalka, waxaana laga daweynayaa dhowr jabniin oo riciraha feeraha ah.

Xilligii la wareysanayay, Murunaga wuxuu qirtay inuu garaacay ninkan uuna ka carooday in loo diiday inuusan quudinin shinbiraha.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version