Ho Chin Me, Vietnam – Nin ayaa loo xiray fal-danbiyeed ah inuu surwaalkiisa kusoo hoos qariyay tiro shibiro ah oo nool isaga oo isku dayaya inuu u qaado dalka kale, sida laga soo xigtay booliska dalka Fitnam.
Saraakiisha kastamka eek u sugan gegida caalamiga ah ee magaalada Ho Chi Minh ee dalka Fitnam ayaa xiray ninkan rakaabka ah oo aan heybtiisa la sheegin kadib markii lagu qabtay 18-shinbirood oo nool oo uu ku hoos siday surwaalkiisa.